SWEDEN OO SOOMAALIYA UGU DEEQDAY LACAG DHAN…
Dalka Sweden ayaa waxa uu soomaaliya ugu deeqay lacag cadadkeeda lagu sheegay ineey dhan tahay sagaal milyan oo doolar($ 9 Milyan) lacagtaan ayaa waxaa loogu talagalay in lagu horumariyo caafimaadka gaar ahaan caafimaadka hooyada iyo caruurta,dadka ka faa’iidaysan lacagtaan loogu deeqay soomaaliya ayaa lagu qiyaasay ineey dhan yihiin hal milyan oo qofood,si gaar ah ayaa waxa uga faa’iidaysan doono agoonta ciidamada soomaaliyeed,caruurta eey raad ku yeesheen dagaaladda iyo kuwa la fara xumeeyey. Dalka soomaaliya gudihiisa waxaa kaalmo bani’aadanimo u baahan dad gaaraayo 5.9-milyam kuwaasoo 3.9-milyan ka mida eey yihiin caruur,lacagtaan eey bixisay Swden ayaa waxaa lagu wareejin doona UNICEF ee soomaaliya.XIGASHO ANADOLU.