SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SWEDEN OO KU XUKUN KU RIDAY DAACISH U SAFRAY...

(SAWIRKA)-MAXKAMADA SWEDEN.

(STOCKHOLM)- Maxkamad ku taalla dalka Sweden ayaa Jimcaha maanta ah xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horeeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox Argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub. Ninkan 22 jirka ah ayaa lagu helay dambi ah "Ka qaybgalka Urur Argagixiso," Maalgelinta Argagixisada, iyo saddex mar oo uu u safray dalal shisheeye ujeeddooyin Argagixiso darteed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Maxkamadda. Maxkamaddu waxay caddeysay in dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ey la xiriireen Daacish, safaraduna ey dhammaantood ahaayeen Soomaaliya. Waxaa lagu riday saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah. Kiiskan ayaa ah kiiskii ugu horeeyay ee lagu xukumo "Ka qaybgalka Urur Argagixiso" tan iyo markii baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sharcigan sannadkii 2023. Sweden ayaa xoojineysay shuruucda la dagaallanka argagixisada tan iyo 2017, kadib markii qof u dhashay Uzbekistan oo daacad u ahaa Daacish uu gaari ku jiiray dad marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Stockholm, halkaas oo ey ku dhinteen shan qof. Si kastaba ha ahaatee, sharciga mamnuucaya ka mid noqoshada kooxaha Argagixisada ayaa loo baahday in marka hore la beddelo dastuurka Sweden, maadaama uu ka hor imaanayay xorriyadda ururaysiga ee dalkaas. Ansixinta sharcigan ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli Turkiga uu hakad geliyay dadaalladii Sweden ay ku dooneysay inay ku biirto NATO, iyadoo Ankara ey ku adkeysanaysay in Sweden ey tallaabo adag ka qaaddo kooxaha xagjirka ah. Kadib duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine, Sweden waxay soo afjartay laba qarni oo ey ka fogaaneysay isbahaysiyada ciidan, waxayna codsatay inay ku biirto NATO bishii May 2022 – ugu dambeyntiina waxay si rasmi ah xubin uga noqotay Maarso 2024.

XIGASH-VOA/SOMALI.