SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SUUDAAN OO U YEERTAY SAFIIRKA ITOOBIYA EE KHARTUUM.

SAFIRKA ITOOBIYA EE DALKA SUUDAAN.

(SUDAN)-Dalka Itoobiya waxaa dib uga soo cusboonaaday dagalkii u dhexeeyey dawladda Itoobiya iyo xoogaga jabhadda TPLF ee ka dagaalanta waqooyiga dalkasi Itoobiya.Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya dalkaasi Suudaan Amb.Yibeltal Aemero Alemu ayaa waxa uu shir jaraa’id ku qabtay magalaadda Khartuum caasimadda dalkaasi suudaan(29/8/22)-ka waxa uuna kaga hadlay diyaaradda eey soo rideen ciidamadda cirka ee dalka Itoobiya diyaaradaaso hub u siday xoogaga Tigray ee ka dagaalama waqooyiga dalkaasi Itoobiya,hadaba dawladda Suudaan oo daba joogta hadalka Amb.Yibeltal ayaa waxa eey u yeertay safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Suudaan si wax looga weydiiyo shirkii jaraa’id uu kaga hadlay diyaaradda la sheegay ineey soo rideen ciidamadda cirka Itoobiya,qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan qeybteeda Afrika ee uu agaasimaha ka yahay Amb.Fadli C/lah Fadli ayaa lagu dalbaday in Itoobiya cadeeyso hadalka ka soo yeeray safiirkeeda Khartuum.

ISHA WARKA WAKAALADO.

HALKAAN KA SII AKHRI.