SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SUUDAAN OO CAMBAAREYN KULUL U JEEDISAY..

(SAWIRKA)-MW-RUTO IYO DAGALLO.

(NAIROBI)-Dowladda Sudan ayaa Kenya ku cambaareysay marti gelinta kooxda Rapid Support Forces (RSF), iyadoo ku tilmaantay mid aan si cad u xushmeyn waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah. Ciidamada RSF, oo ah koox dagaal kula jirta ciidamada Sudan ee awoodda, ayaa Talaadadii ku qabtay magaalada Nairobi munaasabad ku saabsan sidii loo dhisi lahaa dowlad barbar-dhac ah oo laga sameeyo deegaannada ey maamusho RSF. War qoraal ah oo ey soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayay kaga digtay in tallaabadan oo kale ey kala dhantaalayso Dowladaha Afrika, eyna ku xad-gudbi doonto Madax-bannaanideeda, iyadoo faragelin ku haysa Arrimaheeda gudaha. “Tani waa, sidaas darteed, waa jabin cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay, Xeerka Dastuuriga ah ee Midowga Afrika, iyo mabaadii’da la dejiyay ee nidaamka caalamiga ah ee casriga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka qeyb ka mid ah.  Dowladda Sudan ayaa ku eedeysay RSF inay mas’uul ka tahay falalka dagaal ee ka socda dalkeeda, waxayna xustay in Kenya oo Roog Cas u rogtay ciidamada RSF-ta si ey howlgalladooda u fuliyaan ey tahay fal ey ku taageerayaan dambiyada foosha xun ee kooxdan la sheegay iney geystaan. “Hogaamiyeyaasha Maleeshiyada RSF-ta ee Argagixisadu Martigelinayaan una oggolaadaan in ey sameeyaan dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed iyo dacaayad inta ey sii wadaan Xasuuqa, Xasuuqa dadka Rayidka ah ee isir ahaan, weerara Xeryaha Barakacayaasha, iyo falalka Kufsiga ayaa ka dhigan taageerada iyo ka qayb qaadashada dambiyadan foosha xun,” ayey Wasaaraddu tiri. Dowladda Sudan ayaa uga digtay dowladda Kenya iney ku Xad Gudubto xiriirka labada dal, eyna ka horimaaneyso ballan qaadyadii uu dalkaasi sameeyay ee ahaa inaan la ogolaan doonin in dhaq dhaqaaqyo cadawtinimo ah oo ka dhan ah Sudan laga sameeyo dalkeeda. Dagaalka ka socda Suudaan ayaa ah mid sii kordhaya oo horseeday in tobanaan kun oo Rayid ah lagu dilo, iyadoo labada ciidan ee RSF iyo kuwa Suudaan lagu eedeeyay inay galeen dambiyada la sheegay.  Khilaafka ayaa yimid kadib markii Hogaamiyaha Sudan General Abdel Fattah al-Burhaan ey isku dhaceen ku Xigeenkiisii ​​Maxamed Dagalo oo hogaaminayay RSF. Kooxda dabadhilifka ah ayaa dhawaan la kulmay dharbaaxo aad u weyn markii ciidamada Sudan ey la wareegeen gacan ku heynta qeybo badan oo ka mid ah caasimadda Khartuum iyo Jezira. Tani waxay keentay in kooxda RSF ey qorsheyso iney abuurto dawlad iska soo horjeeda "Axdi Siyaasadeed oo loogu talagalay Dowladda Nabadda iyo Midnimada." Gudoomiyaha la doortay dhawaan ee Ururka Midawga Afrika Md.Maxmud Cali Yusuf ayaa si adag waxa uu uga hadlay tallaabadda ey qaaday Dawladda Kenya ee ku saabsan saxiixa heshiiska ku aadan xaaladda dalka Suudaan,isagoo sheegay inuu hal dhinaca yahay isla markaasne uu uga sii daraayo xaaladda Diblomaasiyadeed ee Gobolka Geeska Afrika. “Jawaabta kulul ee dawladda Suudaan waxa ey muujineysaa cawaaqibta ka dhallan karta marka dhinac lagala xaajoodo arrimo aan weli xal loo helin”ayuu yiri Gudoomiye Maxmud Cali Yusuf. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey “Kenya iyadoo sahlaneysa wada hadallo ey dhinac u arkaan kuwa sharci darra ah,waxay keeneysaa xaaladda cakiranaan ah ey ku wajahdo Khartuum,taasoo sii adkeyn karta doorkeeda Diblomaasiyadeed ee Gobolka”.

ISHA-CITIZEN DIGITAL-KE