SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMALIYA OO GUULO KA GAARTAY.

TARTANKA GABDHAHA KUBADDA GACANTA.

(DAR ES SALAM)-Shalay oo Talaada ahayd (25/4/23)-ka ayaa waxaa dalka Tanzaniya caasimadiisa Dar Es Salam ka furmay tartanka kubadda gacanta ee gabdhaha ey da’adoodu ka yar tahay 17-sano iyo 19-sano,tartankaan ayaa mid kasta oo ka mida waxaa ka qeybgelayo sideed kooxood waxaane loo qeybiyey laba Guruub(A&B),kulanadii ugu horeyey ee gabdhaha U17 ayaa waxa fooda isdaray Rwanda Vs Jabuti waxaane (52:2) ku adkaaday Rwanda,Tanzaniya Vs K/Sudan waxaa (23:7) ku adkaaday Tanzaniya,kulanada soo socdo waxa la isu arki doonaa sidan: K/Sudan Vs Rwanda, Jabuti Vs Tanzaniya. Gurubka-(B) waxaa wada cayaaray Burundi Vs Itobiya waxaane (27:11) ku adkaday Burundi halka Somalia Vs Kenya ey Somaliya ku adkaatay(10:0) kulankii dhacay maanta oo Arbaca ah. Kulanada so socdo waa sidan: Somaliya Vs Itobiya, Burundi Vs Kenya. Gabdhaha U19-ka Itobiya Vs Somaliya,waxane (25:9) ku adkaaday Itobiya, K/Sudan Vs Uganda waxaa (10:0) ku adkaday K/Sudan. Somaliya Vs Uganda, K/Sudan Vs Itobiya, dhamman kooxahaan waxa ey ku wada jiraan Gurub(A). Tanzaniya Vs Burundi waxa (25:11) ku adkatay Tanzaniya, Jabuti Vs Kenya waxaa (10:0) ku adkaaday Jabuti, kulnada soo socdo waa sidan: Kenya Vs Burundi, Jabuti Vs Tanzaniya.

ISHA WARKA SB-MEDIA.