SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMALILAND OO SOO BANDHIGTAY ASKAR KA SOO GOOSATAY SOMALIA.

Tan iyo markii eey goboladda waqooyi galbeed ee soomaliya ka go’een soomaaliya inteeda kale lana bexeen magaca jamhuuriyadda soomaaliland ma dhicin in Tv-yadda maamulkaas laga soo saaro ciidamo ka soo goostay DFS,waxaase maanta oo ah Isniin-5/4/2021-ka dhacday in Tv-ga uu leeyahay maamulkaas SomalilandTv(SLTV) in laga soo saaray dhallinyaro afar ah kana soo goosatay CXDS gaar ahaan Danab iyo Gor-Gor oo labaduba eey tababaraan dawladaha Maraykanka iyo Turkiga,ciidamadaan ayaa sheegay in la khalday loona sheegay in laga shaqeynaayo midnimada soomaali weyn sidaas darteedna eey ugu biireen ciidamadda balse hadda eey ogaadeen ineeysan jiri wax la yiraahdo midnimo soomaaliyeed taas bedelkeedana eey jirto u adeegid dana gaar ah amaba mid shaqsi,tasoo loo macneeyey ineey ulajeedaan in DFS madaxdeeda sare rabaan ineey ciidmaadda qaranka ku fushadaan danahooda siyaasadeed kagana gudbaan dhiiga ciidamadda qalabka sida caqabadaha horyaal ineey gaaraan danahooda siyaasadeed.Arrintaan ayaa ku soo aadayso waqti aad u adag eey ku sugan tahay DFS waayo waxaa weli ismari uu ka jiraa doorashooyinka dalka oo ahddii uu ku yimaado fashil wada hadaladda hadda socdaa eey soomaaliya u jihaysan doonto jiho aan la aqoon waxa ka soo bixi karo.XIGASHO CAASIMADDA.

RIIX HALKAAN.