SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMALILAND OO KA HADASHAY HESHIISKII EY ITO..

(SAWIRKA)-WASIIR C/RAXMAN.

(HARGEYSA)-Wararka laga helaayo caasimadda Hargeysa ee Soomaaliland ayaa sheegaayo in maamulka cusub ee dhawaan la soo doortay ee uu Hogaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Cirro ayaa sheegay ineysan weli arag Isfahamkii uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu la saxiixday dalka Itoobiya,kaaso la xiriira heshiis dhinaca badda ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Md.C/raxmaan Daahir oo bixinaayey waraysi ayaa sheegay in marka ey arkaan isfahankaas ey qiimeyn doonaan in dan ugu jirto iyo in kale Soomaaliland ka dibne ey go’aan ka gaari doonaan. Wasiir C/raxmaan ayaa waraysigiisa ku yiri”Soomaliland siin meyso kheyraadkeeda cid kale si loo yiraahdo waa leydin aqoonsaday”. Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliland ayaan weli sheegin goorta ey si rasmi ah ey go’aan kama dambeys ah uga soo saareyso Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Soomaaliland iyo Itoobiya. Hadalka ka soo yeeray maamulka Soomaliland ayaa ku soo aaday xilli uu jiro Baaqii Ankara ee u dhexeeyey dawaladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,mana la hubo in Baaqa Ankara sabab u yahay hadalka Wasiirka Soomaaliland maanta ka soo yeeray.

ISHA-SB-MEDIA.