SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMALI LAGU DILAY K/AFRIKA.

(SAWIRKA)-BOOLISKA KOONFUR AFRIKA.

(SOUTH AFRICA)-Wararka laga helaayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaayo in koox hubeysan ey weerar ku qaadeen dukaan ey Soomali leedahay kuna yaalo Gobolka Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika,halkaasi oo ey ku dileen hal mawaadin oo Soomaali ah mid kalane ey ku dhaawaceen ragii hubeysnaa,sida ey sheegeen Ganacsatada Soomaaliyeed shalay oo Axad ahayd. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saadaq Axmed Xasan oo loo yaqiin Saadaq British,waxaane la sheegay in la dilay,halka Maxamed Daahir uu soo gaaray dhaawac. Dhacdadaan ayaa ka dhacday xaafadda PIETERMARITZBURG,halkaasi oo ey labadoodu ka shaqeynayeen. Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ka dib markii ey goobta ka baxsadeen kooxihii wax dilay kuwaaso aan weli la soo qaban. Ninka la dilay Saadaq British ayaa ah nin in muddo ah deganaay dalka Koonfur Afrika,waxa uuna ahaa nin si weyn looga dhex yaqaano bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Kwazulu-Natal. Weerarkaan ayaa muujinaayo dhbaatooyinka sii kordhaayo ee loo geysanaayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika,iyadoo falalka isugu jira dil,dhaawac iyo dhac loo geysanaayo Ganacsatada Soomaaliyeed ey aad ugu soo badanayaan dalka Koonfur Afrika sannadihii ugu dambeeyey.

ISHA-HON.