SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA: XAGEE AYEY CEEBTU KA JIRTAA?

(SAWIRKA)-QIIMAYNTA SOMALIA EE HAYADDA CUNTADA ADDUUNKA(WFP).

(SOMALIA)-Waxaa soo baxay warar sheegayo in isdabamarin lagu sameeyey gudaha dalka Soomaaliya kaalmo bani’adanimo oo loogu talagalay dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya,Madaxa Hayadda Cuntada Adduun ee WFP Cindy McCain ayaa barteed(X) ee horay loogu yaqiinay Twitter waxa ey soo dhigtay qoraalkan”Tan oo kale horay uma arkin,waane markii ugu horeysay taariikhda Hayadda Cuntada Adduunka ee WFP, baahidu waa mid cirka isku sii shareereysa iyo miisaaniyadii oo hoos u dhacday. Waxaan hoos u dhacnay bilyan doolar si aan u badbaadino naf go’aysay iyo inaan hadda dhammaystirno sidaan u jari lahayn cuntada malaayiin qofood oo gaajaysan”. Midawga Yurub(EU) ayaa si ku meel gaar ah waxa uu u joojiyey dhaqaalihii uu siinaayey Hayadda Cuntada Adduunka ee WFP kana hawlgasha gudaha dalka Soomaaliya ka dib markii baarayaal ka socdo Qaramada Midoobe ey ogaadeen iney jirto xatooyo baahsan iyo inaan si sax ah aanan loo isticmaalin kaalmada bani’adanimo looguna talagalay gaajada aan indhaha laga qabsan karin ee ka jirta dalka Soomaaliya.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.