SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO YEELAN DOONT0 BERRI MADAXWEYNE 10-AAD.

(MUQDISHU)-Tan iyo markii eey Soomaaliya xurnimadda ka qaadatay gumaysiga Talyaaniga iyo kan Ingiriiska oo kala haystay goboladda Koonfureed iyo kuwa waqooyi sannadkii 1960-kii kuna midoobeen magaca JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA 1/7/1960-kii,dalka Soomaaliya ayaa waqtigaas yeeshay madaxweynihii ugu horeeyey waxaane madaxweyne loo doortay Mudane Aadan Cabduule Cismaan(Aadan Cadde). Hadaba halkaan waxa aan idinkuugu soo gudbihaa sagaalkii madaxweyne ee dalka Soomaaliya soo xukuntay,magaca eey laheed Soomaaliya waqtigii ugu dheeraay eey xukumaayeen ciidamadda ayaa ahaay JAMHUURIYADDA DIMOQARAADIGA SOOMAALIYA(JDS),dagaaladdii sookeeye ee dalka ka dhacay ka dib magaca eey qaadatay Soomaaliya ayaa ah DAWLADDA FEDERAALKA EE KU MEL GAARKA AH iyo JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA(JFS),hadaba waa tan taariikhda uu mid walba soo xukumay Soomaaliya sagaalka madaxweyne ee soo maray dalka Soomaaliya.

(1)-Aadan Cabdulle Cismaan(Aadan Cadde)-(1/7/1960 ilaa 10/6/1967).

(2)-C/rashiid Cali Sharma’arke(10/6/1967 ilaa 15/10/1969).

(3)-Maxamed Siyaad Barre(21/10/1969 ilaa 26/1/1991).

(4)-Cali Mahdi Maxamed(27/1/1991 ilaa 3/1/1997).

(5)-C/qaasim Salaad Xasan(27/8/2000 ilaa 14/10/2004).

(6)-C/laahi Yuusuf Axmed(14/10/2004 ilaa 29/12/2008).

(7)-Shariif Sheekh Axmed(31/1/2009 ilaa 20/8/2012).

(8)-Xasan Sheekh Maxamuud(16/9/2012 ilaa 16/2/2017).

(9)-Maxamed C/laahi Farmajo(16/2/2017 ilaa weli lama doran.

Maalinta Axadda ee berri ah kuna beegan 15/5/2022-ka ayaa waxaa Muqdisho lagu dooran doonaa madaxweynihii 10-aad ee Soomaaliya,doorashadda ayaa bilaabmi doonto saacadda Muqdisho markeey tahay 10:00 AM ee subaxnimo,waxaane la filaa in tartanka berri noqdo mid aad u adag oo eey fooda isku dari doonaan rag xilka dalka horay u soo qabtay hadana raba ineey mar kale qabtaan xilka ugu sareeyo dalka Somaaliya,waxaane idiin balan qaadeynaa inaan idinla wadaagno sida loo kala badiyo iyo mid walba inta cod uu helay marka la soo gabagabeey doorashada inshaa alaah.