SOOMAALIYA OO SI RASMI AH LOOGA QAADAY…
(SAWIRKA)-SOOMAALIYA.
(WASHINGTON)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu si aqlabiyad ah ugu codeeyey in la qaaday xayiraadihii ugu dambeeyey ee hubka la geeyo dalka Soomaaliya iyo ciidamadda amaanka Soomaaliya. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC) ayaa dalka Soomaaliya waxa uu cunaqabateyn guud iyo mid dhammaystiran ku soo rogay sannadkii 1992-dii waxaane hadda laga joogaa 31-sano,Cunaqabateynta ayaa ka dhalatay colaadii iyo xaaladihii bani’adanimo oo sii xumaneysay gudaha dalka Soomaaliya. Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobe Danjire Abuukar Daahir Cismaan ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ey Soomaaliya u suurtagelineyso iney ka hortagto qataraha dhanka Amaanka ah eyna ka mid yihiin kuwa ka imaan karo kooxaha Daacish iyo Alshabaab. Danjire Abuukar Baale oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Qaadida Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ey inoo ogolaaneysaa inaan xoojino tayadda ciidamadda Amniga ee dalka Soomaaliya anagoo heleyno hub iyo qalab wax dila si aan si waafi ah u ilaalino shacabkeyna” Danjire Abuukar Baale ayaa ka dhawaajiyey iney Soomaaliya ka go’an tahay iney sii xoojiso maamulka Hubka iyo Rasaasta ey dawladda Fedraalka Soomaaliya gacanta ku hayso iyo in sare loo qaado ka faa’iideysiga kheyraadka iyo in la ilaaliyo Nabadda Xuduudyada dalka Soomaaliya.
ISHA/AA.