SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO SI BUUXDA UGA MID NOQOTAY URURKA EAC.

(SAWIRKA)-WASIIRKA GANACSIGA IYO WARSHADAHA SOMALIYA C/RASHIID IYO XOGHAYAHA GUUD EE URURKA EAC.PETER MATHUKI.

(ARUSHA-TANZANIA)-Wararka ka imaanayo magaaladda Caruusha ee dalka Tanzaaniya ayaa sheegayo in dalka Soomaaliya uu si buuuxda uu uga mid noqday Bulshada Bariga Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano(EAC) ka dib markii ey shalay oo Isniin ahayd ey magaaladda Caruusha ee dalka Tanzaniya ku xareysay qalabkeedii ansixinta heshiiska ka mid noqoshada Ururka EAC-da. Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta EAC-da ayaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jibriil C/rashiid X.Cabdi waxa uu qalabkii lagu ansixiyey ku gudoonsiyey Xoghayaha Guud ee Ururka EAC-da Peter Mathuki isagoo soo gabagabeeyey hanaankii shaqo ee loogu talagalay. Soomaaliya oo leh Xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika taaso dhererkeedu dhan yahay 3-kun oo kiilomitir iskuna xirta Qaaradda Afrika iyo Jaziiradda carabta ayaa noqoneysa xubintii sdieedaad ee Ururka EAC-da marka laga reebo Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Koongo,Koonfurta Sudaan,Burundi,Rwanda,Tanzania iyo Uganda.

ISHA/THE EAST AFRICA.

HALKAN KA AKHRI.