SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO QEYBGASHAY SHIRKA KAMPALA.

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI.

(KAMPALA-UG)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Ugandha ee Kampala ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Md.Axmed Macallin Fiqi uu maanta oo Jimca ah uu Kampala kaga qeybgalay shir heer Wasiir ah ey leeyihiin Wasiiradda Arrimaha Dibadda Wadamadda Xubnaha ka ah Ururka Midawga Afrika,shirka Wasiiradda ayaa loogu diyaar garoobayaa shir Madaxeedka Wadamadda Ururka Midawga Afrika kaaso lagu wado inuu Kampala ka dhaco maalinta beeri ah oo Sabti ah. Wasiir Fiqi,waxaa shirkaas ku wehlinaayey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md.Xamse Xaadoole iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ugandha Marwa Fardawsa Maxamed Qanyare. Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha dalalka Qaaradda Afrika tobanka sano ee soo socoto(2026-2035). Wasiiradda ka qeybgalay shirka maanta dhacay ayaa isku raacay in xooga la saaro Tacbashada iyo kor u qaadista wax soo saarka beeraha si loo xoojiyo isku filnaanta Wadamadda Afrika.

ISHA-SNTV.