SOOMAALIYA OO QEYBGASHAY SHIRKA DOOXA.
(SAWIRKA)-MADAXDA KA QEYBGASHAY SHIRKA DOOXA.
(DOHA)-Maanta oo ey Taariikhdu tahay 27/11/2024-ka waxaa magaaladda Dooxa ee ah caasimadda Dalka Qadar ka furmay shirkii labaad ee heer Wasiir ah ee Hayadaha Fulinta Sharciga la Dagaalanka Musuq-maasuqa ee dalalka Xubnha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro iyo Madaxda Hayaddaha la dagaalanka Musuq-Maasaqa ee ka kala socda Wadamadda Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Furitaanka kulanka ayaa Md.Mazin Bin Ibrahim AL-kahmous,Madaxa Kormeerka iyo la dagaalanka Musuq-Maasaqa ee sacuudiga isla markaasne ah Gudoomiyaha Shirkii ugu horeeyey ee heer Wasiir ah ee Hayaddaha la dagaalanka Musuq-Maasuqa ee dalalka Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyey Dawaladda Qadar martigelinta shirka labaad ee heer Wasiir iyo dadaalka weyn ee ey u galeen qabanqaabadda xafladaan. Wuxuu sidoo kale taabtay in dalka Sacuudiga uu martigeliyey shirar dhawr ah oo wadajir ah iyo dhacdooyin kale oo caalami ah kuwaaso ka hadlay gardaradda iyo xadgudubyadda ka dhanka ah Falastiin iyo Lubnaan. Shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya ku metelaayey Wafdi heer sare ah uu hogaaminaayey Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Md.Xasan Macallin Maxamuud.
ISHA-OIC.