SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO QARAMADA MIDOOBE KA DALBATAY…

(SAWIRKA)-TALISKA HAWLGALKA MIDWGA AFRIKA(ATMIS0-

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo Xarunta Ururka Midawga Afrika ee magaaladda Addis Ababa ee ah caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in halkaasi looga arrinsaday Qaabka,Xajmiga iyo Xadka ciidamadda cusub ee loogu talagalay iney sugaan Goobaha Muhiimka ah ee dalka Soomaaliya ka dib marka ey dalka Soomaaliya ey isaga baxaan ciidamadda Nabad Ilaalinta ee ka socdo Midawga Afrika ee loo yaqaano ATMIS dhammaadka sannadk-2024-ka ka dib markii si cad ugu fashilmeen wax ka qabadka Argagixisada Alshabaab iyo Daacish ee ka dagaalama Gobolka Geeska Afrika. Dalka Soomaaliya Masuuliyiinta ayaa laga sugaa iney soo gudbiyaan Qorshahooda cusub ey kaga maarmayaan ATMIS kuna dalbayaan ciidamo ka socdo Qaramada Midoobe oo ilaaliya Goobaha Muhiimka ah kaliyah. War Murtiyeed ku taariikheysan 3/4/24-ka kana soo baxay Ururka Midawga Afrika ayaa lagu sheegay in Qorshaha Soomaaliya ee ah Ciidamo cusub oo bedela Hawlgalka Midawga Afrika(ATMIS) la soo gudbin doono bisha soo socoto ka dib marka Ururka Midawga Afrika uu sameeyo daraasad dhammaystiran oo ku saabsan khataraha ka jira dhulka ka hor inta aan la raadin taageeradda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC).

ISHA/EA.

RIIX HALKAN.