SOOMAALIYA OO MAR KALE ISKA DIIDAY INEY…
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO ABIY AXMED.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii ey dawladda Itoobiya iyo Soomliland ey kala saxiixdeen Heshiiskii IS-Afgarad horaantii sannadkan dawladda Fedraalka Soomaaliyeed waxa ey qaadatay mawqif cad oo aan marnaba is bedel kuna saabsan Xad Gudubka ey dawladda Itoobiya ku sameeysay Madax Banaanidda dhuleed ee Jamhuuroyadda Federaalka Soomaaliya,waxa eyna DFS dacwadeeda gaarsiisay caalamka oo dhan ayadoo u marsiisay diblomaasiyiintooda waxaane arrinkaas ka dhashay cadaadis Diblomaasiyadeed oo aad u xoogan oo soo wajahay dawladda Itoobiya. Dawladda Itoobiya oo dooneysa iney cadaadiska saaran iska dejiso ayaa dhawr mar waxa ey isku dayday iney wada hadal la gasho DFS balse waxaa arrinkaas iska diiday Madaxda DFS ee uu ugu horeeyo MW-Xasan Sheekh Maxmuud kaaso goob fagaara ah ka sheegay inuusan wada hadal la geleyn dawladda Itoobiya inta ey ku taagan tahay Xadgudubka Madax banaanidda dhuleed ee dalka Soomaaliya. Hadaba maanta oo Sabti ah War saxaafadeed ey soo saartay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ineysan diyaar u ahayn iney wada hadal la gasho dalka Itoobiya ilaa uu dalka Itoobiya ka laabanaayo Heshiiskii Arrimaha Badda ey la gashay Soomaaliland,hadalkaan ayaa yimid ka dib markii wadamadda ku bahoobay Ururka G7 ey soo saareen War Murtiyeed ey kaga hadlayaan arrimaha ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya,waxa eyna Wadamadda G7 ku baaqeen in wax walba lagu wada dhammeysto wada hadal.
ISHA/HIIRAAN.