SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO LOOGU DEEQAY $125,447,500.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO RW-SUNAK.

(LONDON)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminyaayo ayaa maalin ka hor waxa ey gaareen caasimadda dalka Boqortooyada Ingiriiska ee London si ey halkaasi uga qeybgalaan shir Caalami ah oo looga hadlaayo Cuntada iyo Badqabkeeda,shirkaan ayaa waxaa isku soo dubariday dalalka Soomaaliya,Imaaratka Carabta iyo Boqortooyada Ingiriiska. Reysal Wasaaraha dalka Ingiriiska Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay 100-Milyan oo Gini una dhiganta $125-Milyan oo doolarka Maraykanka ah taaso loogu talagalay Mashaariicda Horumarineed ee dalka Soomaaliya,dhaqaalaha la siinaayo dalka Soomaaliya ayuu ku dhawaaqay RW-Sunak waqti uu fadhi gaar ah la yeelanaayey MW-Xasan Sheekh Maxamuud.

ISHA.HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.