SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO LOO DOORTAY MADAXWEYNE KU XIGEENKA….

(SAWIR)-KA.SHIRKII 77-AAD EE WASIIRADDA CAAFIMAADKA ADDUUNKA.

(GENEVE)-Shirka Caafimaadka Adduunka Meertadiisii 76-aad ayaa si rasmi waxa ey uga furantay maanta oo Isniin ah magaaladda Geneve ee dalka Switzerland,shirka ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka Golaha Shirweynaha Caafimaadka Adduunka loogu doortay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Cali Xaaji Adan. Golahaan oo sannad walba mar ku kulma Xarunta Xarunta Qaramadda Midoobe ee Geneva ayaa la fagura hawlaha hortebinta u ah Caafimaadka Adduunka,waxaane lagu gaaraa Go’aamo masiiri ah oo saameeyo wadamadda adduunka oo dhan. Dhanka kale,waxaa aad looga doodi doonaa Qabyo Qoraalka Heshiiska Caalamiga ah ee ka hortagga Xanuunadda awooda u leh iney faafaan ee keena cuduradda dilaaca ee dhibaatooyin ba’an ku haayo guud ahaan adduunka wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ey hadda miiska joogaan,waxayna sidoo kale muujineysaa in dunidda meel qura kaga soo jeesato xal u helidda xaalad kasta oo caafimaad. Ajandaha kal fadhigaan waxaa ku jira mawduucyo xasaasi ah sida barnaamijka la soo jeediyey Miisaaniyadda(2024-2025),istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Caafimaadka Haweenka,Caruurta iyo Dhallinyaradda (2016-2030),Qorshaha Himiladda Caafimaadka loo dhan yahay(UHC),hadaba halbeega Magacyadda qalabka Caafimaadka,iyo u diyaargarawga caafimaadka guud ee caafimaadka bulshada. Iyadoo taageero laga helaayo Hayadda Caafimaadka Adduunka(WHO),95-dal ayaa Horumaar la taaban karo ka sameeyey ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa sannadkii hore,iyadoo tuusaalayaal aan caadi ahayn laga helay dalalka Azerbajaan,Kazakhistaan, Soomaaliya iyo Yukrayn. Wafdiga Soomaaliya ee uu hogaaminaayo Wasiira Caafimaadka ee XFS ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS Md.Dr. Guuleed C/jaliil,Agaasimaha Machadka Caafimaadka Md.Dr.Xuseen Muxyadiin,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaafdka J/land,Agaasimo Waaxeedyo iyo la taliyeyaal.

ISHA/SNTV.