SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA…

(SAWIRKA)-WAFDIGA KA SOCDO SOMALIYA OO LA FADHIYA MADAXDA BANGIGA ADDUUNKA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Wasiirka Maaliyadda ee XFS Md.Biixi Imaan Cige iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo oo metelaayo dalka Soomaaliya kana qeyb gelayaan shirka sanadlaha ah oo ey qabtaan Bangiga Adduunka iyo Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF,waxaane shirkaan ka soo qeybgelaayo in ka badan boqol dal,ka hor furitaanka shir wafdiga ka socdo Soomaaliya ayaa kulamo gaar ah waxa ey la qaateen Madaxda Bangiga Adduunka iyo Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF si looga gungaaro natiijadda iyo geediga horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Wafdiga uu hogaaminaayo Wasiir Biixi ayaa kulan mira dhal la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koonfurta iyo Bariga Qaaradda Afrika Marwo Victoria Kwakwa,kulanka ayaana diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah ee dhinaca iskaashiga ah oo ey ku jirto qorshaha dib u cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah ee (IDA),dib u habeynta kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed. Kulan kale oo muhiin u ah dhaqaalaha dalka ayey wafdigu la qaateen Md.Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bangiga Dhexe ee dalalka Bartamaha Asiya, kulanka ayaa si gaar ah waxaa loogu lafa guray hanaanka dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya kaaso hadda meel wanaagsan maraayo ka dib deyn cafintii iyo qorshaha istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya kaaso hayadda IMF ey door weyn ku leedahay,kulanka labada dhinac ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad. Shirka sannadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee sannadkan-2024-ka ayaa lagu qabanayaa magaaladda Washington ee dalka Maraykanka,waxa uuna socon doonaa muddo todobaada ah iyadoo la filaayo in wafdiga ka socdo Soomaaliya uu kulan dooceedyo la yeelan doono Wadamadda ka soo qeybgalay iyo Hayadaha dhaqaalaha caalamiga ah kuwaaso saldhig u noqon doono horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

ISHA-SNTV.