SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA RIYAAD.

(SAWIRKA)-DANJIRE AXMED MACALLIN FIQI.

(RIYAD-KSA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyaad ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Danjire.Axmed Macallin Fiqi uu ka qeybgalay Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Carabta iyo Kuwa Islaamka kaaso loogu diyaargaroobaayo Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee u dhexeeyo Madaxda Wadamadda Carabta iyo kuwa Islaamka. Shirka ayaa lagu falanqeyn doonaa arrimaha ka taagan Bariga Dhexe weeraradda Isra’iil ee aan kala go’a lahayn ey ku hayso Marinka Gaza iyo dalka Lubnaan iyo isku dubaridka mawqif mideysan oo wadajir ah in laga qaato dagaalkaasi. Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaahiga Islaamka(OIC) Md.Xuseen Ibrahim Taha,Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta Md.Axmed Abul Gheyth iyo Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Wadamadda xubnaha ka ah Ururadda Jaamicadda Carabta iyo kan Islaamka. Dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaasi waxaa ku metelaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Md.Danjire Axmed Macallin Fiqi, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar ahne Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamicadda Carabta Danjire.Cali Cabdi Awaare, Danjire C/qaadir Macallin Nuur Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga Md.Aweys Xaaji Yuusuf. Maanta oo Axad ah waxaa Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho ka dhaafay wafdi heer sare ah uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud kuwaaso ku sii jeeda caasimadda Sacuudiga ee Riyaad si ey uga qeybgalaan shir Madaxeedka Ururadda Carabta iyo Islaamka.

SUUQBACAAD MEDIA.