SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA DAR ES SALAAM.
(SAWIRKA)-WAFDIGA SOMALIYA EE SHIRKA DAR ES SALAAM
(DAR ES SALAAM)- Hogaamiyeyaasha dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa Sabtida maanta ah isugu yimid shir aan noociisa hore loo arag, si xal loogu helo colaadda bariga Congo, halkaasi oo fallaagada ay Rwanda taageerto ay si degdeg ah horumar u sameeyeen tan iyo bishii Jannaayo, taasi oo sii kordhisay cabsida laga qabo dagaal kale oo ballaaran.
Madaxweynayaasha uu ka mid yahay kan Rwanda Paul Kagame ayaa safaf dhaadheer u galay bilowga wada-hadallada Dar ES Salaam. Madaxweynaha DR Congo Felix Tshisekedi ayaa muuqaal ahaan uga qayb galay.
“Taariikhdu si adag ayay noo xukumi doontaa haddii aan ka joogsanno iskana daawanno xaaladda oo ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambeysa,” Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa ka sheegtay furitaanka shir madaxeedka.
Waa shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan wadamada Bariga iyo kuwa Koonfurta ee qaaradda Afrika, waxaana uu tilmaamayaa in Afrika ay aad uga walaacsan tahay qalalaasaha iyo ismariwaaga u dhaxeeya Congo iyo dalka dariska la ah ee Rwanda, oo iyadu iska fogeeysay eedeymaha ah in ay colaadda ku sii hurineyso ciidamadooda iyo hubkeeda.
Labada urur goboleed, ayaa ilaa hadda si weyn ugu kala qeybsan colaadda, iyadoo urur dalalka bariga ay ku dhow yihiin baaqa wada-xaajoodka Rwanda, halka dalalka koonfurta Afrika ay taageerayaan Congo oo ay ka caroodeen dhimashada askarka nabadta ilaalinta ah, khubaro iyo diblomaasiyiin ayaa sidaas sheegay.
Hogaamiyayaasha ayaa raadinaya xal ka dib markii ay joogsadeen laba shir nabadeed oo ka kala dhacayay Luanda iyo Nairobi xiisadduna ay ka sii dartay.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka shirka leh ayaa ku taliyay in shir madaxeedkan uu ka fiirsado baaq dalbanaya in dagaalka la joojiyo, xabad joojin shuruud la’aan ah, iyo in dib loo furo garoonka diyaaradaha ee Goma iyo waddooyinka kale ee muhiimka ah si gargaarka bini’aadantinimo oo degdegga ah loo gaarsiiyo.
Kooxaha gargaarka ayaa gacan ka geysanayay sidii loo nafisin lahaa cisbitaallada buux dhaafay iyadoo shaqaalaha caafimaadka ay ku howlan yihiin aasidda meydadka ugu yaraan 2,000 oo qof oo lagu dilay dagaalka Goma, iyadoo laga walaacsan yahay cudurro faafa oo arrintaasi ka dhasha.
Dacwad oogayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan dhiigga daadanaya, halkaasi oo ay ka soo baxayaan warbixino la xiriira kufsi, kufsi wadareed iyo addoonsi galmo, sida uu sheegay xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.
Ka hor inta uusan furmin shir-madaxeedkan, Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada cunnaqabatayn uu ku soo rogi karo mas’uuliyiinta Rwanda iyo Kongo, taasi oo sare u qaadaysa in xal loo helo colaadda salka ku haysa khilaafkii dheeraa ee ka dhashay xasuuqii Rwanda ee 1994-kii iyo loolanka loogu jiro gacan ku haynta kheyraadka macdanta ah ee Congo.
M23 oo si aad ah u tababaran una hubeysan ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee jabhado badan oo Tutsigu hoggaamiyo oo ka soo if baxay bariga Congo. Dowladda Congo ayaa sheegtay in M23 ay wakiil ka tahay Rwanda, taasi oo ay jabhaddu beenisay.
Rwanda ayaa diiday eedeymaha ah in kumanaan ciidamadeeda ah ay ka barbar dagaalamaan M23. Balse waxa ay sheegtay in ay iska difaaceyso qatarta kaga imaaneysa maleeshiyaadka Huutuuga oo ay sheegtay in ay ka bar bar dagaalamayaan ciidamada Koongo.
Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ay ku dhawaad 4,000 oo askari ay Rwanda ka joogaan DRC ayna ka faa’iideystaan tahriibinta xaddi badan oo dahab iyo coltan ah -oo ah macdan muhiim u ah telefoonada iyo laptop-yada casriga ah.
Kooxda hubaysan ee M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa si degdeg ah u qabsatay dhul badan oo ka tirsan gobolka bariga DRC ee macdanta qaniga ku ah, weerarkaasi oo galaaftay nolosha kumannaan qof tiro aad u badanna ay ku barokaceen.
Kooxdan ayaa todobaadkii hore la wareegtay magaalada istiraatijiga ah ee Goma waxayna ku sii siqeysay gobolka ku dhegan ee South Kivu, waana xiisaddii ugu danbaysay ee tobanaan sano oo colaadi ay ka jirtay gobolka.