SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR LOOGA HADLAY…

(SAWIRKA)-SHIR LOOGA HADLAY SOOMAALIYA.

(RIYAD)-Wasiirka arrimaha dibadda dalka Boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan ayaa ka qeybgalay shir ey isugu yimaadeen Gudiga shaqada ee Wasaarada shaqada ee dalka Soomaaliya si loo ilaaliyo Madax-banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed,sida ey sheegtay wakaaladda wararka dalka Sacuudiga. Kulanka ayaa waxa shir gudoominaayey ku-simaha Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Md.Cali Maxamed Cumar. Amiir Faysal waxaa kaloo uu dhawaan ka qeybgalay shirka Gudida Wasiiradda Carabta ee khuseeyo la socodka faragelinta Turkiga ee arrimaha gudaha dalalka Carabta. Shirkan ayaa waxaa shir gudoominaayey Wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar Saamax Shukri waxa uuna barbar socday shirka 161-aad ee Golaha Jaamicadda Carabta oo ka furmay magaaladda Qahira ee dalka Masar. Labada kulanba waxa ey hoosta ka xariiqeen sida ey lagama maarmaan u tahay in la wanaajiyo iskaashiga Carabta ee ku aadan walaacyadda labada dhinac iyo ilaalinta madax-baanidda dalalka xubnaha ka ah iyadoo la raacaayo shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada. Waxay sidoo kale la tacaaleen xaaladihii ugu dambeeyey ee Gobolka,caalamka iyo dadaaladdi la sameeyey.

ISHA/ARAB.