SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO KA QEYB GELEYSA SHIRKA ANKARA.

(SAWIRKA)-GUDOOMIYE ADEN MADOOBE IYO WAFDIGIISA.

(ANKARA)-Iyadoo maanta oo Arbaca ah uu dalka Turkiga ka furmaayo shirkii 10-aad ee afhayeenadda Baarlamaanada dalalka Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC),waxaane maalinta Axada ah kulmaya labada gudi ee shirka. Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga Md.Jamil Chichek oo ka hadlay kulanka ayaa rajo ka muujiyey in kulanka Gudoomiyeyaasha Baarlamaanadda Wadamadda Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka uu u horseedi doono xasilooni,horumar iyo Amni ey helaan dalalka xubnaha ka ah eyna gacan ka gaystaan sidii nabad,xasilooni loogu dhallin lahaa Gobolka iyo Caalamka. Wuxuu intaa raaciyey Gudoomiye Jamil,in Agagixisadda lagu cambaareeyo nuuc kasta iyo meel kasta oo adduunka ka mid ah,ka falcelinta falalka argagixisaduna ey la mid tahay,sidaas darteed falalka argagixiso ee ka dhaca wadamadda Islaamka sida Nayjeeriya,Baakistaa,Ciraaq,Suriya iyo Yeman amaba dalal kale oo Islaam ah waa in sidaas oo kale wax looga qabtaa. Xubnaha gudiyadda fulinta iyo gudiga Falastiin ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa bilaabay hawlahooda si ey ururiyaan ajandaha shirka soo socdo ee gudoomiyeyaasha Baarlamaanka ee Ururka Isjaashiga Islaamka ee ka dhici magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga. Shirkaan ayaa waxaa dalka Soomaaliya ku metelaayo wafdi heer sare ah uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baaramaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xildhibaan Sheekh Adan Madoobe iyo wafdi balaaran oo Xildhibaano ah.

ISHA/SB-MEDIA.