SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO KA HADASHAY CIIDAMADA ITOOBIYA EE…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XABASHIDA.

(MUQDISHO)-Dhawr maalmood ka hor ayey ahayd markii ey shireen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen.Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyeyaasha Ciidamadda ee Wadamadda Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya sida Jabuuti,Kenya, Burundi iyo Ugaandha,shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa kana hadlay Wasiirka G/dhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.C/qaadir Maxamed Nuur. Dalka Itoobiya oo ka mid ah wadamada ey ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaan lagu casuumin shirkaas sababo la xiriiro Arrimaha Siyaasadda ee labada oo hadda maraayo heerkoodii ugu xumaa abid,hadaba Dawladda Itoobiya Maxay uga jawaabtaa arrinkaas dhacay? Maanta oo Jimca ah kuna beegan 6/12/2024-ka ayey Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ey soo saartay War Murtiyeed ey kaga hadleyso arrimo ey Dawladda Itoobiya ka wado Gobolka Gedo ee maamulka Jubaland,hadalka DFS ayaa tilmaamayo in Dwaladda Itoobiya ey Gobolkaas ka wado iska horkeenidda Beelaha dego Gobolkaas iyo faragelinta Arrimaha Dalka Soomaaliya. Ciidamadda Itoobiya kana tirsan hawgalka Midawga Afrika ee ATMIS ayaa la soo sheegay iney ka soo ruqaansadeen degmada Doolow ee G/Gedo iyago ku jeeda Degmada Beled Xaawo ee isla Gobolka Gedo hase yeeshee waxaa ka horyimid dadka degaanka iyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomalaiyeed kuwaaso iska diiday in ciidamadda Itoobiya u ruqaansadaan degmada Beled-Xawo ee G/Gedo. Dhinaca kale,warar ayaa sheegaayo in Ciidamo ka tirsan Dawladda Itoobiya ey ka soo dhaqaaqeen magaaladda JigJiga ee is maamulka Soomaalidda Itoobiya maanta oo Jimca ah,Ciidamadaan ayaa ku soo wajahan dhanka iyo Gobolka Gedo si ey halkaasi taageero u siiyaan Hogaamiyaha Maamulka Jubaland oo ey hadda is-hayaan DFS Md.Axmed Madoobe.

ISHA-SB-MEDIA.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKA DFS.