SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO ISKA BIXISAY LACAGTII EAC-DA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.

(NAIROBI)-Wararka laga helaayo Ururka Bulshada Bariga ee EAC ayaa sheegaayo in dalka Soomaaliya uu bixiyey lacag dhan $7.8-Milyan oo doolarka Maraykanka lacagtaaso ah qeybtii Soomaaliya kaga soo aaday miisaaniyadda dhammaystiran ee sannadka 2024/2025-ka. Dawladda Federaalka Sooaaliya ayaa garaacday dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo oo ku biirtay Ururka Bulshadda Bariga Afrika EAC laba sano ka hor ayaan weli wax dhaqaalaha ah ku darsan EAC-da. Dawladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii hore soo dirtay lacag dhan $7,853,07i,wax yar ka hor inta aan la horgeyn Miisaaniyadda EAC-da Golaha Sharci dejinta ee EAC-da. Qaaraanka ey Soomalaiya bixisay ayaa loo arkayaa inuu kor u qaaday Miisaaniyadda EAC-da taaso ahayd $103,842,880 sannad maaliyadeedkii 2023/2024-ka halka uu hadda ka noqday $112,984,442 sannad Maaliyadeedka 2024/2025-ka. “Ku biirista Soomaaliya ee EAC-da waxay masuuliyado iyo waajibaad dheeri ah saareysaa Hayadaha EAC-da”sidaas waxaa yiri Xildhibaan Kennedy Mukulia mar uu soo bandhigaaye warbixinta ujeedooyinka ee gudiga.

ISHA/EA.

SII AKHRI.