SOOMAALIYA OO GUUL DARAYSATAY INEY…
(SAWIRKA)-Dr.TULIA ACKSON.
(ANGOLA)-Caasimadda dalka Agola ee Luanda waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday shirkii 147-aad ee Ururka Baarlamanaada adduunka(IPU),shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalay wafdi ka socdo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal waxaane wafdiga ka mid ah Xildhibaanad Marwa Cabdibashir Xaaji oo u sharaxneyd xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka(IPU) ee sannafkan 2023-ka,xilkaan ayaa waxaa u tartamaayey Afar Tartame oo wada ah Dumar kana soo wada jeedo Qaaradda Afrika kalana ah{Marwa Cabdibashir Xaaji(Somalia),Tulia Ackson(Tanzania),Catherina Gotani(Malawi) iyo Adji Diarra(Senigal}. Hadaba,afhayeenka baarlamaanka dalka Tanzania Dr.Tulia ayaa maanta oo Jimca ah(27/10/23)-ka ku guulaysatay iney noqoto Madaxweynaha Ururka Baarlamaanada adduunka(IPU),xilkaan ayaa waxaa baneeyey Duarte Pacheco una dhashay dalka burtaqiiska. Dr.Tulia ayaa ah haweney haysata shahaadada PHD ee dhinaca sharciga ah waxa eyna hadda noqonaysaa Madaxweynihii 31-aad ee daladda sharci dejiyeyaasha adduunka ka dib markii ey heshay 172-cod doorashadii maanta ka dhacda Luanda waxa eyna xilkaan hayn doontaa muddo dhan seddex sano. Dr,Tulia ayaa waxaa xilkaan kula tartamay seddex tartame oo wada ah dumar kana soo wada jeedo Qaaradda Afrika,waxa eyna kala yihiin Catherina oo heshay 61-cod,Adji Diarra oo heshay 59-cod iyo Marwa Cabdbashir oo heshay 11-cod,tirada cod bixiyeyaasha ayaa dhammaay ilaa 303-cod bixiye.
ISHA/SB-MEDIA.