SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO DIB LOOGU SOO CELIYEY….

(SAWIRKA)-MUHAAJIRIIN SOOMAALI AH.

(MUQDISHO)-Sida aan inteyna badan la socono dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka haajira dalkooda hooyo iskuna daya iney helaan nolol dhaanta midii ey ku haysteen dhulkooda hooyo ayaa waxaa mararka qaarkood soo food saarta dhibaato eysan fileyn taaso kaga timaada kuwa ey iyaga u heystaan iney ka kaalmeyn karaan safarkooda nolol fiican raadiska ah. Dhaalinyarada Soomaaliyeed ayaa mari jiray laba jid midkood kan koobaad waxa uu ahaay iney u tahriibaan dalka Yeman si ey uga sii gudbaan una gaaraan dalka Boqortooyada Sacuudiga si ey halkaas uga shaqeystaan,hadda dhibaato ayaa halkaasi ka taagan taaso ah in si qasab ah loogu dhiibo waxyaabo mamnuuc ka ah dalka Sacuudiga sida “Qaadka,Xashiishka iyo Kaniiniga Kabtaago”,waxaane hadda xabsiyadda Sacuudiga ugu jira kumanaan dad ah una badan Afrikaan iyo Asiyaan,waxaane qaarkood lagu xukumay dil Toogasha ah. Midka labaad waa iney aadaan dalka Libiya si ey halkaas uga sii safraan dalka Talyaaniga,safarkaan ayaa ah kan ugu khatarsan safarada ey sameeyaan dhallinyarada Soomaaliyeed waayo waxaa jidka u fadhiye MA GEFE aan u arxameyn dila,dhaca,kufsada iyo Jirdil joogta ahne u geysta markii ey u gacan galaan. Maanta waxa ey Dawladda Federaalka Soomaaliyeed dalka dib ugu soo celisay 24-Qofood oo Soomaali ah kuwaaso laga soo badbaadiyey gacanta koox si sharci darra ah ugu dhibaateyneysay dadka Muhaajiriinta ah kuna sugan gudaha dalka Tuniisiya ee deriska la ah dalka Liibiya,dadka dalka lagu soo celiyey ayaa waxaa ka mid ah ilmo yar oo dhallan 11-bilood kaliyah. Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha soo Galootiga iyo Xuquuqda Caruurta Maryan Yaasiin Yuusuf ayaa sheegtay in DFS ey ka go’an tahay iney dalka dib ugu soo celiso mawaadiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira kooxaha dembiileyaasha ah ee ka hawlgala wadamadda Liibiya,Tuniisiya iyo Yeman. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahad celisay Midawga Yurub oo maalgeliyey fulinta Barnaamijkaan dalka dib loogu soo celinaayo mawaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku go’odoonsan. Sidoo kale,DFS waxa ey u mahad celisay Hayadaha kale ee gacanta geystay fududeynta Barnaamijkaan.

ISHA-SNTV.