SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO DALKEEDA KA ERIDAY LA TALIYE ITOOBIYAAN AH.

(SAWIRKA)-CALI IYO QORAALKII WASAARADDA.

(MUQDISHO)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday talaabo adag si ey u ilaaliso danaha Qaranka oo ey u adkeeyso heerarka diblomaasiyadeed ee Caalamiga ah,taaso muujineysa sida Soomaaliya ey uga go’an tahay ilaalinta Madax Banaanideed iyo ku dhaqanka Sharciyadda Caalamiga ah. Wasaaradda waxay ku dhawaaqeysaa in Md.Cali Maxamed Aden oo hadda ah La Taliyaha 2-aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqaraadiga Itoobiya ee Soomaaliya uu ku kacay falal aan waafaqsaneyn xilkiisa Diblomaasiyadeed. Ficiladiisa waxay jebinayaan heshiiskii Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed ee sannadkii 1961-dii,gaar ahaan Qodobadiisa 41 iyo 42 kuwaaso faraya Diblomaasiyiinta iney Ixtiraamaan Shuruucda dalka martida loo yahay oo eysan ku lug yeelan Arrimaheeda Gudaha. Sidaas darteed,Md.Cali Maxamed Aden waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “Shaqsi aan la rabin”(Persona non Grata) waxaane laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72-saacadood gudahood marka uu helo Ogaysiiskaan. Talaabadaan waxay marag u tahay sida Soomaaliya ey uga go’an tahay ilaalinta habraaca Diblomaasiyadeed ee Caalamiga ah iyo Difaacidda Madax-Banaanideeda Qaranka.

ISHA-SNTV.