SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO DACWAD KA DHAN AH ITOOBIYA U GUDBISAY…

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO FADHIYA HOOLKA SHIRARKA EE MIDAWGA AFRIKA.

(AFP-ADDIS)-Soomaaliya iyo Itoobiya oo markii horaba isku maandhaafsanay heshiiskii dhinaca badda ey kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliland ayaa maanta oo Sabti ah mar kale iskula dhacay gudaha Addis Ababa ka dib markii Soomaaliya ey sheegtay in ciidamadda Amaanka dalka Itoobiya ey isku dayeen iney Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka horjoogsadaan inuu ka qeybgalo Shirka 37-aad ee Madaxda Ururka Midawga Afrika. Dawladda Soomaaliya ayaa falkaan ku tilmaantay inuu yahay mid aad looga xumaado waxayna ku baaqday in baaritaan buuxa lagu sameeyo Hayadaha Afrikaanka ah ee fadhigoodu yahay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Balse dalka Itoobiya ayaa ku adkaysanaaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si weyn loo soo dhaweyey waxayne Itoobiya sheegtay in wafdiga Soomaaliya is hortaag lagu sameeyey ka dib markii ciidamadda Amaanka ee la socday Wafdiga Soomaaliya ey isku dayeen iney hub la galaan xarunta uu shirka ka socday. Xiisadda u dhexeeyso labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay tan markii Itoobiya ey bishii Janaayo-2024-ka heshii is afgarad ah la saxiixatay maamulka la magac baxay Soomaaliland,dalka Itoobiya ayaa in mudda ahba raadinaayey Ganacsi iyo Goobo Mileteri oo dhinaca badda ah.

ISHA AFP,

HALKAN KA AKHRI.