SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA OO CODSATAY INEY KA MID NOQOTO..

(SAWIRKA)-URURKA GANACSIGA ADDUUNKA.

(GENEVA)-ReysalWasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu magaaladda Geneva uga qeyb galay doodo muhiim ah oo ku saabsan ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO. Hannaankan oo in muddo ah la sugayay ayaa loo arkaa horumar muhiim u ah mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya, iyadoo la hiigsanayo kor u qaadista xiriirka Ganacsiga Caalamiga ah iyo Horumarinta Kobaca Dhaqaalaha. Ku biirista WTO waxa ey Soomaaliya u sahli doontaa iney hesho Suuqyo Caalami ah, soona jiidata Maal-gashi shisheeye, iyo in la fududeeyo hannaanka Ganacsiga Caalamiga ah, kuwaasoo dhamaantood fure u ah Horumarka dhaqaale ee dalka.

Barnaamijyada isdhaafsiga dhaqanka:

Soomaaliya waxay horey xubin firfircoon uga ahayd Ururrada Ganacsiga ee Gobolka, oo ey ku jiraan Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA). Xiriirradan ayaa kaalin mug leh ka qaadanaya xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka, waxaana la filayaa in xubinnimada WTO ey sii ballaariso isku xirka ganacsiga Soomaaliya si heer caalami ah. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili sidoo kale Soomaaliya ey sii kordheyso joogitaankeeda masraxa caalamiga ah, iyadoo si rasmi ah uga mid noqotay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay sanadki 2025-ka xubin aan joogto ahayn, taasi oo muujineysa sida uu dalku u yeelanayo saameyn sii kordheysa ee Arrimaha Caalamka. Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa ku nuux nuuxsaday in ku biiritaanka Soomaaliya ee WTO ey qeyb ka tahay istaraatiijiyadda ballaaran ee ey dowladdu ku kobcineyso dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah. Dalka Soomaaliya ayaa si rasmi u codsaday inuu xubin ka nqodo Ururka Ganacsiga Adduunka WTO iyadoo codsigeeda ku biirista gudbisay Diseembar-2015-kii,waqtigaaso Soomaaliya ey si firfircoon u raadineysay ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka,arrintaa ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca Horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Faa’iidooyinka uu Ururkaan u leeyahay dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah in Ururka WTO uu Soomaaliya siin kaeo fursado ballaarn oo ey ku soo jiidan karto Maalgashi Shisheeye iyo iney hesho Suuqyo Caalami ah,waxayna Soomaaliya u fududeyn kartaa hanaanka Ganacsiga Caalamiga ah.

ISHA-RADIO DALSAN.