SOOMAALIYA MAKU BIIRI DOONTAA EAC-DA?
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY CARUUSHA-TANZANIA.
(ARUSHA-TANZANIA)-Wararka laga helaayo magaaladda Caruusha ee dalka Tanzania ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliyeed Md.Xasan Sheekh Maxamuud si diiran loogu soo dhaweyey Magaaladda Caruusha ee dalka Tanzania,MW-Xasan ayaa halkaasi waxa uu uga qeybgeli doonaa shirka 23-aad Dalladda Ganacsiga ee Bulshadda Bariga Afrika(EAC),dhinaca kale,MW-Xasan ayaa la filaa inuu shirkaasi kala soo noqdo Guul ah in Dalka Soomaaliya loo ogolaado inuu ka mid noqdo dalalka Xubnaha ka ah Ururka EAC,Soomaaliya ayaa codsigeed waxa uu yaalaa EAC-da tan iyo sannadkii 2016-kii. Waxaane jirta arrin ayadana ku lug leh ka mid noqoshada Soomaaliya EAC-da waane in dalka Soomaaliya uu ka Tanaasulay u tartamid Madaxweynaha IUP-da waayo dalka Tanzania ayaa ka codsaday sidaas waxaane Madaxweynaha IPU-da ku Guuleystay dalka Tanzania.
ISHA/ALLBANADIR.