SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA MA U TANAASULI DOONTAA KENYA?

(SAWIR)-KA.RW-XAMSA OO GAARAY NAIROBI.

(NAIROBI-KENYA)-Waxaa dalka Kenya Caasimadiisa Nairobi ku sugan wafdi balaaran uu hogaaminaayo Reysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,wafdigaan ayaa kulamo kala duwan waxa ey Nairobi kula yeesheen masuuliyiinta dalka Kenya waxa eyna kala hadleen sidii labada dal ey isaga kaashan lahaayeen arrimo fara badan ey ugu horeeyaan Amniga iyo Ganacsiga oo ah labada arrin ee ugu muhiimsan xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya iyo Kenya waxa ey tartan adag ugu jiraan iney qabtaan Hogaanka sare ee Ururka Midawga Afrika(AU)-da,waxaa iyadana ku soo biirtay tartanka kursigaas dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda waxaa kursiga (AU)-da u sharax seddex Masuul oo kala ah’Xildhibaanada Fawsiya X.Aden-Somalia, Maxamud Cali Yusuf-Jabuuti iyo Raila Odinga-Kenya”. Sannadkii 2020-kii mar uu Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqday dalka Kenya caasimadiisa Nairobi ayaa waxaa shir ey Soomaaliland goob joog ka tahay ka hadlay Siyaasiga ku gaboobay Mucaaradnimada ee dalka Kenya Raila Odinga isagoo waqtigaas ahaay Ergayga sare ee Midawga Afrika ee Horumarinta kaabayaasha, Raila Odiga waxa uuna yiri” Midawga Afrika,waxa uu u baahan yahay inuu ku baraarugo Xaqiiqadda ah in aaney Suurtagal ahayn in mar kale la isu keeno labadaan dal(Somalia iyo Somaliland) oo loo aqoonsado laba dal oo kala duwan”. Kursiga AU-da ayaa hadda waxaa ku fadhiyo nin u dhahsay dalka Jaad lana yiraahdo Moussa Faki Mahamat,masuulkaan reer Jaad ayaa laba jeer oo isku xigto waxaa loo doortay Xoghayaha Guud ee Ururka Midawga Afrika(AU)-da, sannadada kala ah 2017-kii iyo 2021-kii,waxa uuna xilka baneyn doonaa Janaayo-2025-ka si bisha Feberaayo uu xilka ula wareego qofkii isaga bedeli lahaay. Xidhibaanad Fawsiyo Xaaji Aden ayaa noqon doonto qofkii labaad oo Dumar ah haddii ey ku guulaysato iney qabato xilkaas,waxaane uga horaysay soona qabatay xilkaas Nkosazana Dlamini-Zuma una dhalatay dalka Koonfur Afrika. Hadabad su’aasha u baahan in loo helo Jawaab ayaa ah “Sidee Soomaaliya ugu tanaasuleysaa nin rumaysan in Soomaaliland ka madax banaanaato Soomaaliya inteeda kale"?”.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA AKHRISO.