SOOMAALIYA IYO UN-KA OO KA WADA HADLAY…
(SAWIRKA)-GUDOOMIYE MAXAMUD IYO GEORGE CONWAY.
(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Hayadda Maareynta Musiibooyinka(SODMA) Md.Maxamud Macallin Cabdulle iyo Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ahne Isku-Duwaha Gargaarka Bani’adanimo ee dalka Soomaaliya George Conway ayaa si wadajir u shir gudoomiyey kulan bille ah oo ey dhinacyadu ku gorfeeyeen Xaaladaha Bani’adanimo ee dalka Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo fulin lahaa Mashaariicyo Bani’adanimo iyo kuwa Horumarineed iyo in Mashaariicdaan qaarkood laga fuliyo Goobihii ey saameeyeen Fatahaadihii dhacay sannadkii hore 2023-kii,fatahaadahaas ayaa intooda badan waxa ey ka dheceen maamulka J/land gaar ahaan Gobolka Gedo iyo degmooyin ka tirsan maamulka H/shabeele,waxaa kaloo la isla soo qaaday in sare loo qaado wada shaqeynta ka dhexeyso labada xafiis. Intuu kulanku socday ayey labada dhinac isla qaateen in si wadajir ah loo abuuro hanaan leysku waafajin karo dhaqaalaha ey iska soo ururiyaan bulshada Soomaaliyeed iyo kan dunidda ugu deeqdo goobaha musiibadu ku habsatay iyo in si wadjir ah loogu diyaar garoobo ka hortaga iyo ka jawaabista Abaaraha la saadaalinaayo iney ku dhuftaan qeybo ka mid ah dalkeyn Soomaaliya.
ISHA-SNTV.