SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO WADA HADAL U FURMAY.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA XASAN SHEEKH IYO ERDOGAN.
(ANKARA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud iyo dhigiisa dalka Turkiga Md.Raccep Dayyip Erdogan ey yeesheen kulan muhiim ah kaaso weli ka socdo Xarunta Madaxtooyadda Turkiga ee magaaladda Ankara. Kulanka ayaa ah mid hordhac u ah looguna gogol xaaraayo wada hadaladda u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu garwadeenka ka yahay Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan. Wafdiga uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa waxaa ka mid ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda Fiqi iyo G/dhiga Jaamac,waxaa kalo ka mid ah Agaasimaha Hayadda NISA Md.C/laahi Sambalooshe iyo La taliyeyaal ayaa dhammaantood waxa ey muujiyeen sida ey uga go’an tahay ilaalinta Midnimada,Gobanimada iyo Madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya. Weli wax war ah lagama haayo dhinaca kale ee Itoobiya cidda ku meteyso wada hadaladda marka laga reebo Reysal Wasaare Abiy Axmed oo ah masuulka codsaday in lala kulansiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud.
ISHA-VS