SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA IYO TALYAANIGA OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO QAABILAY SAFIIRKA TALYAANIGA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Md.Pier Mario Dacco Coppi. Madaxweyne Xasan iyo Danjire Pier ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxibtinimo ee labada dal,horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha,adeegyada bulshada,taageerada Amniga iyo barnaamijka dib u dhiska ee dalka ka socdo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa uga mahad celiyey dawladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aadan taageeradda dalka Soomaaliya isagoo ku booriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinaayo nolosha shacabka Soomaaliyeed. Safrrirka dalka Talyaaniga Pier Mario Dacco ayaa xaqiijiyey in dawladda Talyaaniga ey ka go’an tahay taageeradda dalka Soomaaliya isagoo bogaadiyey dadaalka DFS ee ku aadan horumarinta dalka iyo dib u dhiska Hayadaha dawladda.

ISHA-VILLA SOMALIA.