SOOMAALIYA IYO SERBIYA OO KALA SAXIIXDAY….
(SAWIRAKA)-WASIIR FARTAAG IYO WASIIRO KALE.
(GLASGOW)-Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.C/laahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa kulan muhiim ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga dhanka Amniga ah la yeeshay Reysal Wasaare Ku-Xigeenka ahne Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Serbiya Md.Ivica Dacic,kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dal ey uga wada shaqeyn lahaayeen Amniga,gaar ahaan la dagaalanka Argagixisadda iyo Dembiyadda Abaabulan. Intii uu kulanku socday,labada masuul waxay isla meel dhigeen muhimadda ey leedahay wada shaqeynta Caalamiga ah, iyo in la is dhaafsado khibradaha dhanka Amniga. Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Serbiya Ivica Dacic ayaa xusay sida uu dalkiisa diyaar ugu yahay inuu Soomaaliya ey uga caawini lahaayeen dhismaha Hayadaha Amniga iyo Tababarada la xiriira ilaalinta Nabadgelyada,wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Taliye Ku-Xigeenka Booliska Soomaaliyeed Gen.Kaniif iyo Taliyaha Hgaanka INTERPOL Gen.Dhoore. Wasirka Amniga Gudaha ee XFS Md.C/laahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa magaaladda Glasgow waxa uu kaga qeybgalay Shirka 92-aad ee INTERPOL,waxa uuna Wasiir Fartaag kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin ka socotay dalalka Maraykanka,Ruwaanda,iyo Koonfurta Kuuriya,waxaane ey ka wdaa hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca Amniga ah ee kala dhexeeyo wadamadaas.
ISHA-SNTV.