SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA IYO SERBIYA OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY.

9SAWIRKA)-WASIIR FARTAAG IYO WASIIR DACIC.

(BELGRADE)-Reysal Wasaare ku-Xigeenka ahne Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Serbiya Ivica Dacic iyo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan dhanka iskaashiga Booliska labada dal. Wasiir Dacic oo shir jaraa’id qabtay ka dib kulanka uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya,ayaa tilmaamay in dukumintigu yahay mid lagu taageeraayo ka hortaga caqabadaha amniga iyo sugidda amniga muwaadiniinta,wuxuuna sheegay in la qorsheynaayo shirar joogta ah oo sannadlaha ah,tababaro iyo xog is dhaafsiiyo khibrad. Wasiir Dacic ayaa xusay in 25-dembi baarayaal ah oo ka socdo dalka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan dalka Serbiya kuwaaso ku qaadanaayo tababar seddex bilood ah oo la xiriira la dagaalanka dembiyadda iyo Argagixisada iyadoo sannadkii hore 60-askeri oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ey ka qeyb qaateen tababarkii ugu horeeyey. Wasiir C/laahi Fartaag ayaa ku nuux-nuuxsaday in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan ixtiraam,Waxaan mar walba ixtiraamnaa midniada dhuleed iyo madax banaanidda labadeena dal,iyadoo la ixtiraamaayo xeerarka caalamiga ah ayuu yiri Wasiir Fartaag isagoo intaa ku daray in Serbiya ey mar walba garab taagan tahay Soomaaliya marka laga hadlaayo arrimaha caalamka.

ISHA-WAKAALADO.