SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA IYO SACUUDIGA OO WADA GAARAY HESHIIS.

(SAWIRKA)-QASRIGA al-SAFA’A EE MAKKAH.

(MAKKAH)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu Hogaaminaayo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulano kala gedisan waxa ey la yeesheen madaxda sare ee dalka Sacuudiga uu ugu horeeyo Dhaxal sugaha dalka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan,hadaba maanta oo Axad ah ayey labada dal Soomaaliya iyo Sacuudiga waxa ey soo saareen Warmurtiyeed Wadajir ah ka dib markii ey soo dhammaatay booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdigiisa ey ku joogeen Boqortooyada Sacuudiga taaso muujinaysa sida labada dal ey uga walaacsan yihiin Qaranimada iyo Midnimada dalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaaray dalka Sacuudiga taariikhdu markeey ahayd 6/4/24-ka ayaa casuumad rasmi ah waxa uu ka helay Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan,waxayne ujeedadu ahayd sidii loo xoojin lahaay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeyo labada dal Soomaaliya iyo Sacuudiga. Intii uu ku guda jiray booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Qasriga AL-Safa’a ee ku yaalo magaaladda Barakaysan ee Makkah dhaxal sugaha Boqortooyada ahne Reysal Wasaaraha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Madaxdu waxa ey ka wada hadleen dhinacyada kala duwan ee xiriirka labada dal iyadoo diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha,Ganacsiga iyo maalgashiga. Waxaa xusid mudan in Ganacsiga labada dal Soomaaliya iyo Sacuudiga uu kor u kacay 105% marka laga soo bilaabo sannadkii 2021-kii ilaa 2022-kii taaso muujinaysa xiriirka dhaqaale ee sii kordhaayo. Labada dhinac ayaa sidoo kale sahmiyey fursadaha uu soo bandhigay Hiigsiga 2030-ka ee Sacuudiga,iyagoo ku heshiiyey in kor loo qaado maalgashiga dhinacyada Beeraha,Xoolaha,kallumaysiga,Gaadiidka iyo adeegyada Saadka.

ISHA/WAS.

RIIX HALKAN.