SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA IYO RUUSHKA OO…

WASIRADA ARRIMAHA DIBADDA SOMALIA IYO RUSHKA.

(MOSCOW)-Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa booqasho ku tegay magaaladda Moscow ee dalka Ruushka waxa uuna halkaasi wada hadal kula yeeshay dhigiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov. Wasiir Lavrov ayaa hadal kooban uu jeediyey markii uu soo dhaweynaayey Wasiir Huruse ku sheegay in ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobankii sano ee tagtay ey labada dal si firfircoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhicayo badan. Wasiir Lavrov ayaa sheegay iney marino laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka,kuwa Qaramada Midoobe iyo Masraxyada caalamiga ah. “Maanta waxaan aragnaa fursad wanaagsan oo aan dib ugu eegno ajendaha iskaashiga oo aan ka wada hadalno halka ey lagama maarmaan tahay inaan kor u qaadno dadaalkeyna iyo in mawduucyo dheeri ah lagu soo daro”ayuu yiri Wasiir Lavrov. “Waxaan sidoo kale ka wada hadli doonaa u diyaar garawga shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika kaaso dabayaaqada bisha Luuliyo ka dhici doono magaaladda St.Petersburg”ayuu raaciyey hadalkiisa Wasiir Lavrov. Labada Masuul ayaa markaasi ka dib waxa ey gudagaleen wada hadaladoodii balse weli wax qoraal lagama soo saarin natiijada wada hadaladooda.

ISHA WARKA VOA-SOMALI.