SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA IYO MASAR OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-WASIIRADDA G/DHIGA SOOMAALIYA IYO MASAR.

(QAHIRA)-Wasiirka Difaaca dalka Masar Sareeye Guud.C/Majiid Saqr ayaa dhigiisa Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur kala hadlay Horumarka Gobolka,kulan ey maanta ku yeesheen magaaadda Qaahira ee dalka Masar. Afhayeenka Mileteriga dalka Masar ayaa sheegay in Wasiirka G/dhiga Soomaaliya Md.C/Qaadir uu si weyn uga mahad celiyey isla markaasne uu uga mahad celinaayo dadaalka ey dawaladda Masar ku bixineyso dhidibadda u aasidda Aaska Aaska Amaanka iyo Xasiloonidda dalalka Qaaradda Afrika,isagoo soo dhaweeyey ka qeybgalka Masar ee Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya. Wasiir C/Qaadir ayaa carabka ku adkeeyey sida ey muhimad u leedahay in si wadajir ah ey Soomaaliya iyo Masar isaga kaashadaan dhinaca Ciidamada Qalabka Sida, sida dhinacyada kale. Afhayeenka Wasaaradda G/dhiga Masar ayaa sheegay in labada dhinac ey ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey iyo dhacdooyinkii ka dhacay Gobolka iyo Caalamka iyo xasiloonidda Qaaradda Afrika,kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidamadda Xooga dalka Masar S/Gaas.Axmed Khaliifa,taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee ciidamadda dalka Masar iyo qaar kale oo badan kana mid ah taliyeyaasha ciidamadda labada dal Soomaaliya iyo Masar. Dalka Masar ayaa horay u xaqiijiyey in ciidamadiisu ey qeyb ka qaadanayaan Hawlgalka Nabad Ilaalinta ah ee Soomaaliya,waxa eyna labada dal bishii Agoosto-2024-kii kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhinaca Mileteriga ah. Hawlgalka cusub ee Soomaaliya AUSSOM ayaa bilawday sannadkan-2025-ka isagoo bedlaay hawlgalkii Midawga Afrika ee ku meel gaarka ahaa ee ATMIS, 27-kii bishii Disembar-2024-kii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa meel mariyey qaraarka lagu dhisaayo Hawlgalka cusub ee AUSSOM kaaso muddadiisu ey tahay ilaa 12-bilood.

ISHA-TR.