SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA IYO KENYA OO WAR MURTIYEED SOO SAARAY.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO KENYA.

(MUQDISHO)-Wararka inaga soo gaaraayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu soo gabagabeeyey safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya halkaas uu kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Kenya Md.William Ruto. Labada Madaxweyne ayaa ka wdaa hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya,arrimaha Aminga Gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyadda Amniga iyo Horumarinta Ganacsiga. Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay Qodobadda soo socdo ee kala ah: (1)-Xoojinta Iskaashiga Aminga iyo Hawlgaladda Taageerada iyo xasillinta Midawga Afrika ee AUSSOM kaaso bilaaban doon sannadka soo socdo ee 2025-ka. (2)-Kor u qaadida xiriirka Ganacsi iyo Maalgashiga ee labada dal iyagoo hoosta ka xariiqay muhimadda ey leedahay fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyadda. (3)-Iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dal ee arrimaha Gobolka Geeska Arika,iyagoo ka faa’iideysanaayo madalaha Ururada Gobolka sida”EAC,IGAD iyo COMESA”. (4)-Adkeynta taageeradda beesha caalamka ee dhismaha awooda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya si ey ugu diyaar garoobaan kala guur Atmis iyo Aussom iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaadeed Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe sannadka 2025-2026. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyey dhigiisa Kenya Md.William Ruto iyo shacabkiisa soo dhawyntii diiraneed ey u sameyeen isaga iyo wadigiisa.

ISHA-VILLA SOMALIA.