SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA IYO IMAARAATKA OO BEENIYEY….

(SAWIRKA)-SHIRKADDA DIYAARADAHA IMAARAATKA CARABTA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkada diyaaradaha ee dawladda Imaaraatka Carabta ey si wadajir ah u beeniyeen hadal ka soo yeeray maamulka Soomaliland kaaso sheegaayey iney isku dhici gaareen laba diyaaradood ey kala leeyihiin dalalka Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya. Afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in diyaaradooda aaney la kulmin wax khatar ah waqti ey dul maraysay Hawada Soomaaliya sida ey sheegtay Somaliland maalintii Axada 24-kii bishaan Maarso-2024-ka. Hayadda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in labada diyaaradood ee Imaaraatka iyo Itoobiya ineysan hal jiho isula duuleyn waqtiga ey maraayeen Hawada dalka Soomaaliya. Soomaaliland oo hadda gashay xaalad siyaasadeed oo aad u adag ayaa waxa ey bilawday iney been abuur ka sameyso hawlaha ayada eysan u madax baaneyn ee ah Hawada dalka Soomaaliya tan iyo markii DFS ey talaabo ka qaaday maamulka iskii isu magacaabay ee Soomaaliland.

ISHA/HIIRAAN.

RIIX HALKAN.