SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALIYA IYO CIRAAQ OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYAIYO CIRAAQ.

(BAQDAD-IR)-Wasiirka Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.C/laahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Xarunta Taliska Ciidamadda Xuduudaha ee Dawladda Ciraaq,isagoo ey wehliyaan Taliye Ku-Xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdalla Cabdalla,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Md.Yusuf Cali iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq Danjire.Ridwaan Xirsi Maxamed. Wafdiga Wasiirka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Xarunta,waxaane qaabilay Taliyaha Ciidanka Xuduudaha S/guuto. Maxamed C/wahaab Sukar iyo Saraakiil kale oo wada tirsan Taliska. Intii ey booqashada ku guda jireen,wafdiga ayaa dhegaystay warbixin kooban oo ku saaban waajibaadka muhiimka ah ee talisku fuliyo,gaar ahaan hawlaha lagu xaqiijinaayo nabadgelyada Xuduudaha dalalka deriska ah,iyadoo la adeegsanaayo nidaamyadda casriga ah iyo Farsamooyinka Teknooliyadda Horumarsan. Sidoo kale,Wasiirka iyo wafdigiisa waxay indha indheeyeen xarunta la socodka iyo xakameynta dalka Ciraaq,halkaaso sawiradda iyo muuqaaladda laga soo duubay Xuduudaha dalalka deriska ah looga soo gudbiyo Xarunta dhexe ee Baqdaad si loo fududeeyo kormeerka iyo ilaalinta Xuduudaha. Wasiir Fartaag ayaa amaanay shaqada xirfadeysan ey qabtaan Ciidmadda Xuduudaha ee dalka Ciraaq gaar ahaan dadaaladda ku aadan ka hortaga soo gelootiga sharci daradda ah iyo hawlaha ka dhanka ah Tahriibka isagoo ku tilmaamay dadaaladaas kuwa mudan in laga tusaale qaato. Booqashadaan ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinacyadda Amniga la dagaalanka Argagixisada ee Soomaaliya iyo Ciraaq,isdhaafsiga waaya-aragnimada iyo farsamooynka la xiriira ilaalinta Xuduudaha.

ISHA-SNTV.