SOOMAALIYA IYO CIRAAQ OO KA WADA HADLAY…
(SAWIRKA)-WASIIR FARTAAG IYO LA TALIYAHA AMNIGA QARANKA CIRAAQ.
(BAQDAD-IR)-Wararka laga helaayo caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa sheegaayo in Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) uu maanta oo Khamiis ah kulan la qaatay La Taliyaha Amniga Qaranka dalka Ciraaq Md.Qaasim AL-Acraji,kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyadda Amniga,la dagaalanka Argagixisada iyo xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq. Intii uu socday kulanka ayey labada dhinac waxa ey ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta dhinacyadda Amaanka iyo Tababaradda Ciidamadda iyadoo la adkeynaayo iskaashiga lagu xoojinaayo Nabadgelyadda Gobolka. Wasiir Fartaag ayaa uga mahad celiyey La Taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Ciraaq Md.AL-Acraji taageeradda iyo khibradaha ey u soo bandhigeen Soomaaliya,isagoo carabka ku adkeeyey muhimadda ey leedahay wada shaqeynta labada dhinac,iyadoo dhankiisa Md.AL-Acraji uu ballan qaaday in Ciraaq ey ka go’an tahay iney Soomaaliya ka taageerto gaar ahaan dhinacyadda Farsamadda,Tababaradda iyo la dagaalanka kooxaha Argagixisada sida ALshabaab iyo Daacish. Wasiir Fartaag ayaa horay ula soo kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq iyo Taliyaha Ciidamadda Ilaaladda Xuduudaha ee dalkaasi Ciraaq.
ISHA SNTV.