SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOOMAALI KU BANANBAXDAY SAFARADA SOOMALIYA EE MARAYKANKA.

Waxa aan la soconaa in dalka soomaaliya eey ka jirto ismari waa dhinaca doorashada ah una dhexeeyso DFS iyo maamul goboleedyada J/land iyo P/land waxaane horay loo qabtay dhawr shir oo looga hadlaayo arrimaha doorashada kana kala dhacay Dhuusamareeb,Baydhabo iyo Muqdisho dhammaan shirarkaas ayaa ku soo dhammaaday guul darro,waxaane jirto in guul daradaas dusha loo saaraayo DFS oo ah tan laga rabay ineey diyaariso qaabka eey dalka uga dhici karto doorasho la mida kuwii horay uga soo dhacay dalka tobankii sano ee ugu dambeeysay,madaxweynaha uu dhammaday waqti xileedkiisa Farmajo ayaa lagu tuhmaa inuu yahay shaqsiga aan rabin in dalka eey ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah wadar ogolna ah sidii horay u soo dhacdayba waxaane xusid mudan in waqtigoodu uu dhammaaday hayadaha dastuuriga ah iyo xilka madaxweynaha,baarlamaanka ayaa waqtigiisu uu ku ekaay 27/12/2021-ka,8/2/2021-ka madaxweynaha iyo hayadda fulinta,laakinse qodobka 103-aad ee dastuurka KMG ah ayaa waxa uu RW-raha iyo golihiisa wasiiradda u ogolaahaa ineey xilka sii haayaan inta eey ka imaanayso xukuumadii bedeli lahayd waxaane halkaan laga dheehan karaa in RW-Rooble yahay masuulka la rabo inuu u tafa xeeyto sidii dalka eey uga dhici lahayd doorasho wadar ogol balse taasi ma dhicin oo RW-Rooble wax uu gadaal ka maray madaxweyne Farmajo uu muda xileedkisu dhammaaday 8/2/2021-ka,sidoo kale Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa isna gabay hawshii qaranka u igmaday taasoo ahayd inuu la xisaabtamo hayadda fulinta oo si cad ugu guuldaraysatay ineey dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah waane meeshaas halka eey ka jirto ciladda ugu weyn ee sababtay in dalka soomaaliya eeysan ka dhicin doorasho waqtigii loogu talagalay oo kala ahayd Diseembar-2020-ki doorashadda labada aqal ee baarlamaanka(sare/hoose),8/2/2021-ka doorashadda madaxweynaha.XIGASHO YEMENONLINE.

RIIX HALKAAN.