SOO GELOOTIGA HOLLAND OO QEYB KA NOQDAY OLOLAH DOORASHADA…
(SAWIRKA)QAXOOTIGA HOLLAND.
(HOLLAND)-Waa mid lagu yaqaan marka lagu arko magaalooyinka ku yaalo Miyiga,Muhaajiriinta ey madaxyadooda ey daboolan yihiin wataane Jaakado xoogan waqtiga Qaboobaha,dadkaan ayaa dhabarka ku wata alaabadooda ey iska leeyihiin waxa eyna isugu soo ururaan xarunta soo dhaweynta Muhaajiriinta sidii ayagoo la mid ah dabaylo xoogan kuna dhuftay dhulka. “Socdaalka waa mid ka baxay gacanta”sidaas waxaa yiri Henk Tapper mar uu booqanaayey gebertiisa oo ku sugan Ter Apel laba todobaad ka hor inta eysan qabsoomin doorashada Xildhibaanada baarlamaanka dal Holland 22/11/23-ka. Dhammaan shucaacyada siyaasiyiinta Musharixiinta ah waxa ey kuwada jiraan Olole ey kaga hadlayaan dhibaatada soo gelootiga dalka Holland taaso Ter Apel ka dhigtay halka ey Musharixiinta fikirkooda ku aadan soo gelootiga ku soo bandhigaan,Ter Apel ayaa magaaladda caasimadda ah ee Amsterdam u jirto masaafo dhan 200-kiilomitir,waxa eyna jiha ahaan caasimadda kaga beegan tahay Waqooyi-Bari. Kuleylihii sannadkii hore 2022-kii boqolaal Muhaajiriin ah ayaa si xoog ah ku jiifan jiray banaanka waayo waxaa buuxsamay Xarunta soo dhweynta Muhaajiriinta. Takhaatiirta aan xuduuda lahayn faraceeda dalka Holland ayaa koox iyaga ka socotay waxa ey u direen Muhaajiriinta si ey caawiyaan,waane markii ugu horeysay oo si xoog ah Muhaajiriinta loogu soo daabulo dalka Holland.
ISHA/VOA.