SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Somaliya maxaa u diiday…

Waxa aan la soconaa in dalka soomaaliya uu yahay dal kasoo kabanaayo burbur dhinac walba ah,waxaana soo maray dawladda kala gedisan kuwa ku meel gaar ah iyo kuwa federaal ah oo qaarkood dibadda lagu soo dhisay kuwooda kalane gudaha dalka,dhisida dawladahaas ayaa waxaa door ka soo qaatay QM iyo dawladaha bixiyo kaalmadda,waa maxay sababta eey dawladaha qaarkood soomaaliya uga hortaagan yihiin in soomaaliya cagaheeda isku taagto? Haddii aan kala qaadno dawladaha sida gaarka ah u hortaagan in soomaaliya cagahjeeda isku taagto waxaa ka mida Itoobiya,Kenya,Qatar iyo Imaaraatka,dawladahaan ayaa mid walba waxa uu wataa dan isaga u gaar ah waxa uuna adeegsadaa masuuliyiin ka tirsan dawladda soomaaliyeed,dawladahaan ayaa isu kooxeeysto tusaale ahaan dalalka Imaaraatka iyo Kenya waa isku aragtida marka laga hadlaayo arrimaha gudaha dalka soomaaliyana waxa eey soomaaliya ku leeyihiin dad danahooda u adeego kuwaasoo intooda badan fadhigooda uu yahay Nayrobi,dhaqaalaha ku baxo waqtiga eey ku sugan yihiin Nayrobi waxa bixiyo kharashkooda Imaaraatka halka Kenya tahay mid sugta amniga goobaha eey ku qabanayaan shirarka lagu weeraraayo dawladda soomaaliya markaas ka jirto teey doonto ha noqotee,waxaane si cad hadda gudaha dalka soomaaliya looga dareemaa raadka dawladahaas ku leeyihiin siyaasadda soomaaliya sida maamul goboleedyada oo sharciga lagu dhisay ee ah dastuurka soomaaliya uusan u ogolaaheeyn ineey dawlad ajnabi ah la sameeystaan xiriir hadane waxa eey caadeeysteen ineey dhahaa waan qaraab tagnay gaar ahaan waqtiga eey taagan tahay arrin xasaasi ah,dawladda federaalka soomaaliya ee uu hogaamiyo MW-ne Farmaajo ayaa ah mid ku jirto gacanta dawladda Qadar kana sameeysato waxa eey rabto waxaane hawlahaas uga wakiil ah agaasimaha hayadda NISA Ex-wariye Fahad Yaasiin,dhaqaalaha dawladda Qadar kaga baxo soomaaliya ayaa intiisa badan loogu talagalay iska horkeenka dadka soomaaliyeed kala taagidooda dhinaca siyaasadda si eeysan isu fahmin,Qadar laguma haayo mashruuc horumarineed eey dalka soomaaliyeed ka fulisay sida iskoolaad,isbitaalo iyo jidad mana lagu haayo Qadar ineey shaqaale ka qaadato soomaaliya sida eey hadda ka wado dalka Itoobiya oo eey ka qaadayso in ka badan kun shaqaale oo si sharci ah loo geynaayo Qadar,magaaladda addis sababa ee casimadda itoobiya Qadar waxa eey hadda ka wadaa dib u dhis dhismayaal horay u jiray iyo dhismayaal cusub oo loogu talagalay ineey noqdaan degaan ahaan balse maagashi loogu magac daray laakinse Imaaraatka in dalka laga saaro waxaa u sabab ahaay isku daygii ineey riddo dawaladda hadda jirto iyo heshiiyaddii soomaaliland ee DP world iyo tii boosaaso,dhinaca kalane waxa dawladda Qadar lagu tuhmaa ineey ayadda ka dambayso dhammaan waxa qaraxya ka dhaca soomaaliya gaar ahaan Muqdisho waayo sirdoonkeeda ayaa lagu tuhunsan yahay ineey gacan saar fiican la leeyihiin kooxda Alshabaab ee ka dagalanta soomaliya.