SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOMALILAND IYO ERITEREYA OO AAN KA QEYBGELI…

AFRICAN UNION.

(WASHINGTON)-Masuuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay shalay oo Arbaca ahayd ineey xaqiiqo tahay in dalka Maraykanka uusan balaarinayn martiqaadka uu u fidinaayo wadamadda Qaaradda Afrika ee ka qeybgelaayo shirka u dhexeeyo Maraykanka iyo hogaamiyeyaash Qaaradda Afrika,Maraykanka ma uu martiqaadin dalka Eritereya iyo Jamhuuriyadda Somaliland waayo Maraykanka uma aqoonsana ineey yihiin hogaamiyeyaal ka tirsan Qaaradda Afrika kuwaaso loo diyaarinaayo ineey magaaladda Washington kula kulmaan Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden todobaadka soo socdo.Dana Banks oo ah la taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Biden isla markaasne ah la taliyaha shirka u dhexeeyo Madaxweyne Biden iyo hogaamiyeyaash Qaaradda Afrika ayaa u hadashay Idaacadda VOA-da waxa eyna sheegtay in dalka Maraykanka martiqaaday 49-dal Madaxweynayaashood kana tirsan Qaaradda Afrika,waxaane martiqaadkooda la sii mariyey Ururka Midawga Afrika(AU),waxaane martiqaad loo gudbiyey kaliyah wadamadda ey wada shaqeyn fiican kala dhexeeyso Ururka Midawga Afrika(AU),Dana ayaa sheegatay ineey jiraan afar dal oo eey Ururka Midawga Afrika(AU) xanibaad saaray kuwaasne qeyb kama ahaan doonaan shirka u dhexey MW-Biden iyo hogaamiyeyaasha Qaaradda Afrika,afarta wadan ayaa kala ah{Suudaan,Mali,Guinea iyo Burkino Faso}.

ISHA WARKA VOA.

HALKAAN KA SII AKHRI.