SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOMALIA:RW-ROOBLE OO TELEFOON KULA HADLAY MADAXA AFRIKA EE WASAARADA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA.

(SOMALIA):Dalka Soomaaliya maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaay dhibaato u dhexeyso labada masuul ee ugu sareeyso dalka Soomaaliya Madaxweyne Farmajo iyo RW-Rooble arrintaan ayaa timid ka dib markii uu Madaxweyne Farmajo shaqadii ka joojiyey RW-Rooble iskuna dayey inuu ku dhaqaaqo inuu isticmaalo awood ciidan uu RW-Rooble ugu diidaayo inuu galo xafiiskiisa waxaane taas ka dhalatay in RW-Rooble uu wehliyo RW-ku xigeenkiisa Mahad lug ku galaan xafiisyadooda si eey halkaas uga wataan shaqadooda,waxa uuna RW-Rooble amray dhammaan ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya ineey qataan amaradiisa kana fogaadaan amarada Farmajo,hadaba arrintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyey wadamadda kaalmeeyo Soomaaliya uu ugu horeeyo dalka Maraykanka waxaane dhacday ineey khadka Telefoonka ku wada hadlaan RW-Rooble iyo madaxa xafiiska Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka Molly Phee.ISHA REUTERS.

HALKAAN KA SII AKHRI.