SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

SOMALIA OO KA QEYBGELAYSO SHIRKA 32-AAD.

SAWIRKA MADAXDA CARABTA EE JIDDA.

(JIDDA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa soo gaaray magaalo xeebeedka Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga,Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaaladda Jidda waxa uu kaga qeybgelaa shirka 32-aad ee hogaamiyeyaasha Carabta kana wada tirsan Ururka Jaamicadda Carabta. Shirkaan 32-aad ee Madaxda Carabta ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ey ka mid yihiin Dagaalka Sudan,Weerada Israa’iil ee Gaza iyo arrinta dawladda Suuriya oo dib ugu soo laabnayso Ururka Jaamicadda Carabta. Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu shirar gooni gooni ah la yeesho madaxda Carabta ee ka soo qebygalay shirka kalana hadlo dagaalka kooxda Alshabaab iyo dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo wadamadda Carabta qaarkood,Madaxweyne Xasan ayaa ka soo duulay dalka Qadar halkaaso uu shir qaatay laba maalmood kula soo yeeshay amiirka Qadar Tamiim.

ISHA WARKA SBMEDIA.